No title

Abdiwahid Fantastic
By -
0







 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐎𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 . 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maal-mihii u dambeeyey safarka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag oo ay wehelinayaan Wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Gudaha, W/K/X Maalgashiga, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Xildhibaano,  ayaa maanta ka qayb galay, goob-joogna ka ahaa munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynaayey qaybtii u horraysay ee Ciidanka Madaniga ay iyo gadiidkoodii dagaalka. 


Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa Ciidamada u qaabiley si kal furran, waxanay u sheegaan in ay ka mid yihiin saacada laga bilaabo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 


Xukuumadda WADDAJIR iyo WAX-QABAD iyada oo fullinaysa ballan-qaadkii hore ee ahaa in ay qaramayn doonto Ciidamada Madaniga ah, ayaa waxaa ay maanta qaramaysay  wajigii koowaad ee ciidamadaasi, iyada oo maal-maha soo socdana la qarameyan doono cutub-yo kale oo kamid noqon doona Ciidanka Qaranka JSL. 


𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, , 



Tags:

Post a Comment

0Comments

Please Select Embedded Mode To show the Comment System.*