Tutsiga iyo Huutuuga wada daga Gobolada Harooyinka waaweyn waxaa dhex taalla cadaawad dami weyday oo hadba dhinac ka shidmaysa,haddii 1993 dii ay Ruwanda isku xasuuqeen oo ay isku dhigeen mashaqadii la ogaa,maantana Bariga DR Congo oo ay wada dagaan ayay ka Aloosan tahay,oo Jabhadda MC 23 oo ay Tutsigu leeyihiin gacanta ku dhigtay.
Gobolada Bari ee DRC ee ay Caasimadda u tahay Magaalada Goma badi waxaa ku wada nool Qowmiyadaha Huutuuga iyo Tutsiga.
Dowladda Ruwanda oo ay taladeedu hayaan Tutsiga ayaa lagu eedeeyay in ay gacan siinayaan Jabhada Tutsiga ee qabsatay Bariga Congo,halka ay Dowladda Burundi ee ay sidoo kale wada dagaan Huutuuga iyo Tutsiga hase yeeshee ay taladeeda hayaan Huutuuga ay dareen ka muujisay Dagaalada ay Tuutsigu ku qabsadeen Bariga Congo.
Dowladda Burundi waxay ka digtay in dagaaladaasi hadaan la joojin in ay isu rogi karaan kuwo ay isku beegsadaan Qowmiyadaha Huutuuga iyo Tutsiga cirkana ku shareeri doonta colaadda Qowmiyadahaa u dhaxeysa,kuna faafi karta goobo ka baxsan gobolada biriga Congo.
Dowlada D.R.Congo ayaa ku celicinaysa in ay Dowladda Ruwanda weerar gardaro ah ku soo qaaday Bariga dalkeeda,waxayna Caalamka ka codsatay in Dowlada Ruwanda lagu soo rogo go’doomin si ay Ciidamadeedu ugala baxdo Bariga Congo.
Qariidada hoose waa mid tilmaamaysa deegaanada ay ka dagaan Qowmiyadaha Huutuuga tirada badan iyo Tutsiga tirada yar iyo inta Qaxooti ay iska bara kiciyeen Dhulka Harooyinka waaweyn oo ka kooban DR Congo,Rwanda,Brundi iyo Uganda.


Post a Comment
0Comments